Ciidamada Booliiska ee degmada Cabudwaaq oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglayaal

26 05 2013

Cabdi Qaadir Yuusuf

banaadir24 news Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud  ayaa howlgal xagga amaanka ah oo ay ka sameeyeen degmadasi ku soo qabtay gacan ku dhiiglayaal dilal ka soo geystey agagaarka degmada Galaaddi ee maamulka Ethiopia.

Taliyaha Amniga ee maamulka degmada Cabuudwaaq Axmed Muuse Cismaan Ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Cabuudwaaq lagu soo qabqabtay Shan nin oo gacan ku dhiiglayaal ah oo 22 kii bishan deegaanka Galaaddi ee ismaamulka Soomaalida dad rayid ah ku soo dilay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaa ku daray in gacan ku dhiiglayaashan gacanta lagu dhigay ay wateen Sadex Qori iyo Laba Tooreey, waxaana ka mid ahaa dadka ay soo dileen Isamo iyo waxgarad magac iyo maamuusba ku lahaa bulshada.

Dhanka kale saraakiisha caafimaadka ee degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyey iney jiraan kiisas xanuunno ah oo mallaariyadu ku jirto kana dhashay daadad ku soo rogmadey dhowaan degmadasi.

Dr. C/llaahi Faarax Jaamac oo ka mid ah dhaqaatiirka ka howlgasha cisbitalka guud ee degmadaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in bukaanada ugu daran ee soo gaara cisbitalka ay yihiin kuwa qaba cudurka duumada ama mallaariyada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in koroka cudurkaasi loo aaneyn karo daadkii dhawaan kusoo rogmaday magaaladaasi iyo biyaha wali dhexfadhiya degmada cabuudwaaq.





Munaasabad dib loogu howl galinayo wakaladaha howlaha marakiibta iyo gaadiidka badda iyo wakaalada dekadaha soomaaliyeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay muqdisho.

26 05 2013

Cabdi Qaadir Yuusuf

banaadir24 news Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeeyb galay wasiirka howlaha guud iyo gadiidka badda Muxiyidiin Maxamed Kaalmooy,wasiiro dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,wasiir ku xigeenka wasarada ganacsiga iyo warshadaha iyo xubno ka tirsan gudiga baarlamaanka u qabilsan wasarada hwolaha guud iyo gadiidka iyo marti sharaf kale.

Munasabada oo lagu qabtay xaruunta wasarada  gaadiidka soomaaliya ayaa waxa ugu horeeytii ka hadlay mareeyaha guud ee wakalada howlaha maraakiibta injineer Qaasim Axmed Cabdulle oo sharaxay waxyabihii wakaladan ay bulshada soomaaliyeed u haysay ka hor burburkii dalka.

Wasiir ku xigeenka wasarada ganacsiga iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudahaiyo amniga qaranka  oo ka hadlay munaasibaddaasi ayaa sheegay in ay muhiimad weeyn uu dalku u leeyhay howgalinta wakaladaahan oo muddo 20 sano ka badan aan shaqeeynin

Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo gaadiidka Badda Muxuyadiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in dib u howlgalinta wakaaladahan ay dowladdu dadaal dheer u gashay ayna waxbadan ka qaban donan howlaha hagaajinta marinada soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadlakiisa intaa ku daray in howlgalinta wakaaladaha ay gacan ku siiyeen madaxda qaranka uuna ka mahadnaqayo sida ay gacanta uga siiyaan meel marinta howshan.

Wakaaladaha Howlaha Marakiibta iyo gaadiidka badda iyo Wakaaladda Dakadaha Soomaaliyeed ayaa qaban jiray howla badan oo quseeya xisaabinta maraak





salaadiin,ugaasyo,waxgarad,iyo nabadoono Soo Dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD.

26 05 2013

Cabdi Qaadir Yuusuf

banaadir24 news Iyadoo shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gaba gabeeyey magaaladda adis ababa ee caasimada dalka Eithopia laga soo saaray qodobo ku saabsanaa arimaha ka taagan goboladda jubooyinka iyo maamulada is magacaabay oo aan la socon bulshadda deegaanadaasi ayaa maanta waxaa magaaladda muqdisho kulan ku yeeshay gudiga xiriirka arrimaha jubooyinka.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen salaadiin,ugaasyo,waxgarad,iyo nabadoono kasoo jeeda gobolada jubbooyinka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha hadda ka taagan gobolada jubooyinka iyo dhibaatadda shacabka deeganaadaaasi ay ku qabaan maamuladda aan dowladda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba la socon.

Dhamaan dadkii kulanka maanta kasoo qeeyb galay waxa ay si diiran ay usoo dhaweeyeen qodobadii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee dhawaan ka dhacay magaaladda adis-ababa ee xarunta dalka Eithopia qodobadaas oo qaar ka mid ah sheegayay waxa ka socda magaaladda kismaayo aanay waafaqsaneeyn dastuurka dalka iyo in maamuladda hadda ku kor awood sheeganaya shacabka aanu ka talin aayaha shacabka deegaanadaasi.

Kulanka maanta ayaa gebi ahaanba lagu ayiday qorshaha ku aadan in dowladda soomaaliyeed magaaladda muqdisho ay ku qabato shir dib u heshiisiineed islamarkaana loo qabto shacabka jubooyinka iyo in maamulo KMG ah loo dhiso goboladaasi sida ay sheegeen qaar ka mid ah salaadiintii iyo waxgaradkii kulankaasi kasoo qeyb galay oo  si isku mid ah u cambaareeyey dhibaatadda shacabka jubooyinka ay ku qabaan maamulada aan dowladda soomaaliyeed ka warqabin ee hadda kismaayo jooga.

Gudoomiyaha gudiga xiriirka ee gobolada jubooyinka C/qaadir xaaji maxamed (Suldaan Luga dheere) oo gaba gabagadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka jubooyinka ay diyaar u yihiin in wax walba xal laga gaaro islamarkaana shacabka deegaanadaasi nabad loo horseedo.

Inkastoo dhowr maamul oo is diidan looga dhawaaqay kismaayo ayaa hadana dowladda soomaaliyeed wax ay go’aamisay shacabka jubooyinka shir dib u heshiisineed loogu qabto magaaladda muqdisho taasoo ka mida h waxyaabihii  kasooa baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dahcay  magaaladda Adis ababa ee xarunta dalka Eithopia.





Shirkii guud ee Madaxda midowga afrika oo ka furmaya adis ababa.

26 05 2013

DSC02622

Waxaa maanta magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Ethopiya ka biloowday dabaal dagga 50 guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururka midowga afrika.

Afhayeenka Madaxweeynaha Soomaaliya Ing C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa radiomuqdisho u sheegay inDabaal dagga ay ka qeeyb galayan madadxda wadamada ku jira ururka midowga afrika oo ay wehliyan madaxweeynayaal,ra,iisulwasaarayaal iyo wasiiro arrimo dibadyeedyo ka kale socda wadamada caalamka si ay goob joog uga noqdaan dabaal daggan taariikhiga ah.

Waxaa ka mid ah madaxda caalamiga ah ee ka qeeyb galaya shirka madaxweeynaha Faransiiska,iyo xoghayaha arrimaha dibada ee dalka maraykanka John Kerry.

Ing Yariisoow ayaa sheegay in Madaxweeynaha J.F soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud uu shalay madaxda afrika u sheegay in soomaaliya ay ka mid ahayd aabayaashii aasaasay ururka midowga afrika,kaalin mog lehna ka soo qaatay 1963dii ilaa 1991dii oo wadamada laga xureeyay gumeeysigii,soomaliyana ay hogaanka lahayd.

Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa sheegay in 1974tii soomaaliya lagu qabtay shirka ururka midowga afrika.

Madaxweeynaha soomaaliya ayaa u mahad celiyay ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u joogo soomaaliya kuwaa 2011 kii ka saaray maliishiyaad shabaab African Village.

Madaxweeynaha soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ayaa u sheegay in madaxda midowga afrika in loo baahanyahay in cashar laga barto 50kii sano ee la soo dhaafay,loona diyaar garoobo 50ka sano ee soo socota,madaxda afrikana ay  u soo jeestaan sidii shacabka afrika ay ula tartami lahaayeen shucuubta qaaradaha kale.

Ing C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa sidoo kale sheegay in madaxweeynaha soomaaliya uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayay qaar ka mid ah madaxda ka qeeyb galeeysa shirka,waxana uu la kulmay wasiirka afrika u qaabilsan dowlada ingiriiska,

Ing Yariisow ayaa sheegay in madaxweeynaha soomaaliya uu maanta la kulmi dooni Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka John Kerry.

Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirkii guud ee madaxda midowga afrika oo maanta furmaya.

Shir guud ee madaxda midowga afrika ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha soomaaliya.





“Sawirro”Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay danjiraha Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

26 05 2013

Cabdi Qaadir Yuusuf

banaadir24 news Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Amasadoor kim Chan woo oo  ah safiirka cusub ee  dalka Koofurta Kuuriya u fadhin Doona Soomaaliya ka gudoomay waraaqaha danjiranimo kadib markii uu Barqanimadii maanta xarunta madaxtooyada yimid halkaasi oo uu ku qaabilay Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya kadibna waxa ay yeesheen kulan la’isku dhaafsaday xiriirka labada dal u dhexeeya iyo sidii loosii dardargalinlahaa Ambasadoor kim chan woo ayaana waraaqiihiisa safiirnimo u dhiibay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud isagoo ka gudoomay una muujiyay sida ay Dku kuwlada Soomaaliya ula shaqeyn doonto

 

Wasiir kuxigeenka arimaha dibada Jamaal Maxamed Barow oo saxaafada lahadlay Ayaa sheegay in kuuriyada Koonfureed laba iyo labaatansano kadib ay soo celisay Xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya.

 

Amasadoor kim chan woo  oo isna dhankiisa hadlay ayaa sheegay in koofurta Kuuriya ay safaaradeeda ka furi doona magaalada Muqdisho Soomaaliya iyo  Koofur Kuuriyana u xiiir wanaagsan ka dhaxeeyo isagoo intaa ku daray iney gacan Ka geysan doonaan dib u dhiska dalkeena.

 

Mudooyinkii danbe waxaa sii kordhayay wadamada safaaradahooda ka furanaya Soomaaliya waxaa sidoo kale garab socday  dib ugu laabashada Soomaaliya Kuraastii ay caalamka kulaheyd iyadoo arimahani oo dhan ay ku yimaadeen Horumar dowlada Soomaaliya ay ka sameysay dhinaca dibada hase ahaatee Dowlada waxaa looga fadhiyaa inay isbedel muuqda ka dhaliso gudaha dalka.

DSC00195

 

 

 

 

 

DSC00203

 

DSC00179DSC00213

 

 

 

 

 

 





DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

26 05 2013

Cabdi Qaadir Yuusuf

banaadir24 news Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo Sudan Booqasho rasmi ah ku joogay Magaalada khartoum ee Caasimada Dalka Sudan mudada u dhaxaysa 20 bishan ilaa 23 May.

Hadaba Sawiradan oo aan horay Idinkugu soo Bandhigin ayaan ayaan hada idiin Soo bandhigaynaa iyadoo Horay Qaybo ka mid ahna aan idiin Soo bandhignay.

Daawasho Wacan.

Sawiradan ugu Horeeya waxa ay ka Hadlayaan Kulyad lagu Tababaro Saraakhiisa Ciidanka Milatariga ah oo uu Wasiirka Booqday

DSC_0114DSC_0117DSC_0118DSC_0131DSC_0132DSC_0136DSC_0152DSC_0153DSC_0154DSC_0165DSC_0169DSC_0175DSC_0248DSC_0295DSC_0319DSC_0385DSC_0403





Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

26 05 2013

Cabdi Qaadir Yuusuf

banaadir24 news Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka warbixiyay waxqabadka Baarlamanka mudadii uu jiray iyo himilooyinka uu higsanayo.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay  Barnaamijka kulanka Jimcaha oo todobaadkiiba maalinta Jimcaha ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in mudadii Sagaalka Biloodka aheyd ee baarlamanku jiray ay u qabsameen howlo farabadan oo muhiim ah sida ansixinta miisaaniyada iyo la xisaabtanta dowlada.

Afhayeenka Baarlamanka oo ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd mowshinkii xukuumada laga keenay ee dib laga laabtay ayaa sheegay in baarlamanku uu tixgeliyay dareenka shacabka.

‘’Mowshinka waxaan rabaa shacabka ineysan qalad u fahmin wa mid mudanayaashu wax ku saxaan,  laakin waxaa haboon ineysan arintu noqon mid wax lagu dhibaateeyo ama lagu aarsado,  waana ku dadaalaya ineysan taasi dhicin’’ ayuu yiri Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan howlaha Baarlamanka uga jawaabay dhageystayaal  ka soo wacay dalka iyo dibada, isagoo si faahfaahsan ugu sharaxay su’aalaha dhageytayaasha.

Hadalka gudoomiye Jawaari ayaa imaanaya xilli dib looga laabtay mowshin ay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ka keeneen xukuumada, taasoo shacabka Soomaaliyeed ay si diirran usoo dhaweeyeen.

 

DSC00116

DSC00127

DSC00156

DSC00115

DSC00122

DSC00180

DSC00181

DSC00182

DSC00183

DSC00185








Follow

Get every new post delivered to your Inbox.